Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Oo Dalka Dib ugu soo Laabtay Kadib Safarkii Nairobi..

Uncategorized

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Safarkii Gaabnaa ee Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Mr.Xamse Cabdi Barre oo xalay dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu subaxnimadii maanta safar qarsoodi ah ku tegay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu kula kulmay Hogaanka Kenya iyo Waxgaradka Beeshiisa…

Sida xogtu sheegayso Wasiirka 1-aad ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta kulan kula qaatey Agaasimaha hay’adda sirdoonka Kenya, Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji, iyo Taliyaha Sirdoonka Ciidamada Difaaca Kenya, kadibna Madaxweynaha Kenya iyo Waxgaradka & Odayaasha Dhaqanka Beesha Kuumade, iyadoo Kulamadaasi lagu falanqeeyay colaada kal aloosan Jubaland iyo isbedladii ugu dambeeyey ee Dowladda Federaalku ay 700 ciidamo ah ku daabushey Jubaland.

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in wax is afgarad ah kulanka aanu ka soo bixin, Mr.Xamse ayaa dalbadey in uu wadatashi Muqdisho ugu noqonaayo, waxaase loo dhiibey moqfika Kenya ee ku aadan Jubaland, waxeyna si weyn u dooneysa in xiisadda la dejiyo oo dowladdu aysan qaadin tallaabo ciidan, halka ay ku wargelisay Axmed Madoobe inuu hakiyo Abaabulka dagaalka.

Warar kale ayaa sheegaya in Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Ogaadeen ay culeys ku saarayaan Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland inuu si Nabad ah xilka ugu wareejiyo Xubanaha Maamulkiisa si looga baaqsado Dagaal iyo Dhiig daata, waxaana la sheegaya in dhawaan go’aan ka soo bixi doona dhameynta Xiisada & Khikaafka.

351340cookie-checkWasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Oo Dalka Dib ugu soo Laabtay Kadib Safarkii Nairobi..