Ethiopia Oo Codsi Hordhigtay AU-da..

Uncategorized

Maamulka Addis Abeba oo maalmihii ugu dambeeyay ku mashquulsanaa sidii Madaxda AU-da uga dhaadhicin lahaa mashruucaan ay soo diyaariyeen kaasoo ahaa in Maamulka Hargeysa loo oggolaado..

Ilo wareedkaan ayaa u sheegay Aarka Diinah blogs in ka hor inta aanay gudbin codsiga Maamulka Oromada ayaa waxaa ogolaaday in Somaliland noqoto xubin korjoogta ka ah ururka Midowga Africa iyo IGAD, Madaxweyanaha Farmaajo.

Sida ay goobjoogayaal ku sugan magaalada Adis Ababa ay noo xaqiijiyeen kadib markii uu ogolaaday Madaxweyne Farmaajo xubinimada Somaliland ayuu codsaday inuu la kulmo Muuse Biixi, balse waxaa codsigaas gaashaanka u daruuray Muuse Biixi oo ka biyo diiday inuu la kulmo Farmaajo.

Waa Madaxweynihii ugu horreeyay ee ogolaada in la wiiqo midnimada Soomaaliya kaddib markii uu ka ogolaaday Ethiopia in Somaliland ay xubin korjoogta ah ka noqoto Midowga Africa taasoo dhabaha u xaareysa in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya.

Wadamada Masar, Koofur Afrika, Suudaan, Libya, Moroco iyo Tanzania aya diiday in Somaliland ay noqoto xubin kor joogta ah taasoo meesha ka saartay rajadii Somaliland iyo Ethiopia ee lagu dhantaali lahaa Qaranimada iyo midnimada Somalia.


16310cookie-checkEthiopia Oo Codsi Hordhigtay AU-da..