Maxaa Hortaagan in La Magacaabo Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Federaalka

Somalia news

Wararkii ugu dambeeyay ee magacaabista Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka ayaa la sheegayaa inuu dib u dhac ku yimid kadib markii Kooxo is biirsaday oo isugu jira Siyaasiyiin, Ganacsato ah iyo Maamulka Puntiland ay ka biyo diideen in Musharaxa Jubbaland loo magacaabo Jagadaasi…

Wararka ayaa sheegay Khilaafka magacaabista uu soo shaac baxay kadib markii Tiro Siyaasiyiin & Ganacsato oo Maaligeliyeen Xasan Sheekh ay ka diideen in Musharax Xamsa Cabdi Barre loo magacaabo Wasiirka 1-aad, waxeyna ku talo bixiyeen inuusan Waayo arag aheyn xilkaan culusna loona baahan yahay Musharax la jaan qaadi kara xiligaan adag, waxaans la sheegay in Xalay Fiidkii dib loogi celiyay Mr.Xamsa Hotelka Decale.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Mr.Saciid Dani xaal ahaan loo siiyay 13-Millions US$ ah si uu uga tanaasulo Xilka Wasiirka 1-aad, wuxuu kaloo watay Musharax Ka tirsan Kooxda Siyaasadeed ee Aran jaan oo ka dhisan Puntland, isla shalay ayuu ku laabtay Magaalada Garoowe.

Dhanka kale, ilo wareedyo ayaa Warsidaha Diinah.com u sheegay in haddii Madaxweyne Xasan uu shaqsi ka soo jeeda Puntland uu u magacaabayo xilkaas, uu noqon doono mid ka yimaada gudaha kooxdiisa siyaasadda, gaar ahaan xisbigiisa UPD, iyadoo u jeedku yahay inuu ka fogaado Ra’iisul Wasaare majaraha loo hayo.

195030cookie-checkMaxaa Hortaagan in La Magacaabo Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Federaalka