Wasiirka Amniga Ayaa ku Amray Hogaanka NISA Iney Ka Saaraan Ciidamada..

Uncategorized

Wasiirka Amniga Dowlada Federaalka Mr.Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray Qoraal uu Agaasimaha NISA Yaasiin Farey ku amrayo inuu dhamaan Xoogaga hubeysan ee Hey’adda NISA ka soo saaro gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho…

Qoraalka ayaa lagu faray in Mas’uuliyiinta Hey’adda NISA ee sida gaar aheyd ugu xil saarneyd amniga guud ee garoonka diyaaradaha si deg deg ah ugu wareejiyaan Saldhigga Boliiska garoonka diyaaradaha ee ka howlgala gudaha garoonka, Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku shaaciyey iney ugu dambeyn 2-da bishaan Janaayo ku faarujiyaan Garoonka, wuxuuna ku sababeeyay Go’aankaan in la qaatay kadib markii ay ka dhaceen gudaha garoonka isku halayn amni oo kaliftay dayacaad amni oo balaaran, maadaama Mas’uuliyadda amniga garoonka ay qaybsan tahay oo aysan ku jirin hal gacan.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa ka howlgeli jiray Ciidan Nabadsugid dhar cad ah, waxaana ciidankan markii hore si toos u xukumi jiray Agaasimaha & Kaaaliyihii Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Kulane, waxaana inta badan loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed iyo dadka laga xanibayo inay ka dhoofaan garoonka.

159530cookie-checkWasiirka Amniga Ayaa ku Amray Hogaanka NISA Iney Ka Saaraan Ciidamada..