Dagaal Lagu Hoobto oo Laga Filan karo inuu ka Qarxo Xadka Lebanon iyo Israel..

Uncategorized

Wararka naga soo gaaraya Dalka Lebanon ayaa sheegaya in Xiisada colaadeed ee u dhaxeysa Xoogaga Xisbullah iyo Ciidamada Isreal ay sare u kacday, iyadoo dadaalo laga dhex waday uu fashilmay, waxaana la sheegay in Dalka Israel ay Ciidamo ku hubeysan nooyada Gaadiidka Dagaalka ay Xadka doo dhoobeen..

Xuuraan Sirdoon oo la sheegay in Dal Bariga Dhexe ah oo aan la magacaabin ay siiyeen Xoogaga Xisbullah iney Ciidamada Israa’iil ay ku jiraan heerkii ugu dambeeyay ee qorsheynta duulaanka Koonfurta Lubnaan ka dib markii ay ku soo fashilmeen Howlgalladii Ciidan ee marinka Gaza (Hamas), iyadoo hadafka duulaankasi uu ahaa burburinta iyo baracikin Shacbiga Falastiin.

Dhanka kale, Bisha Febraayo ayaa la filayaa inay noqoto bil muhim ah, gaar ahaan soo celinta la filayo ee Ergeyada Mareykanka Amos Hochstein iyo Faransiiska Jean-Yves Le Drian ee Beirut, Joogitaankoodu wuxuu hoosta ka xarriiqayaa isku dheelitirnaanta muhiimka ah ee u dhexeeya dadaallada diblomaasiyadeed iyo suurtagalnimada dagaal ee soo fool leh.

Hizbullah waa xisbi siyaasadeed oo Muslim ah oo Shiico ah aadna u hubeysan oo fadhigeedu yahay Lubnaan, halkaasoo Hay’addeeda Amniga iyo Shabakadeeda u Adeegga bulshada ayna kor u qaaday sumcaddeeda “Dawlad ku hoos nool Dawlad la Aqoonsan yahay,” waxaana Hogaamiya Hassan Nasrallah, waxeyna gacanta ku hayaan Konfurta Lebanon waxeyna Baarlamaanka Dalkaasi ku leeyihiin 13-Xildhibaan.

304470cookie-checkDagaal Lagu Hoobto oo Laga Filan karo inuu ka Qarxo Xadka Lebanon iyo Israel..