Wasiirka Cafimaadka Dowlada Federaalka oo Lagu Eedeeyay Tahriibinta Xaasaskiisa & Kaaliyihiisa..

Somalia news World

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Fadeexad dul hoganeysa Xubin ka tirsan Golaha Wasiirada er Dowlada Federaalka kaasoo lagu eedeeyay inuu qaab is-xambaar dhaqaale badan ka macaashay dal ku gal ugu qaaday Laba kamid ah Xaasaskiisa iyo Sarakaal Kaaliye u ahaa kuwaasoo la geeyay Dalalka Switzerland & USA…

Xogtasn ayaa xaqiijisay in Wasiirka Caafimaadka ee Dowlada Federaalka Cali Xaaji Aadan oo safaro shaqo ku kala tagay wakhtiyo kala duwan Dalalka kor ku xusan fiisooyin (Visa) la siiyay shaqo rasmi ah oo dawladeed bishii September ee sanadkii hore iyo May ee sanadkaan siday u kala horreeyaan, isagoo ka been sheegay in xubnahaan ay Wasaaradiisa ka howlgalaan.

Wararka ayaa sheegaya in Sebtembar 19, 2023 Dr. Cali Xaaji Aadan oo ay weheliso Xaaskiisa 1-aad Xabiibo Aadan Cabdi, waxay u safreen magaalada New York ee dalka Mareykanka, iyagoo ka mid ahaa wafdigii Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre (sawirka kore) oo ka qayb-galaya kal-fadhiga 78-aad ee baarlamaanka Soomaaliya. Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA78), Intii uu ku sugnaa New York, Wasiirku wuxuu ka qayb galay munaasabado dhowr ah, oo ay ku jiraan Kulamo ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay oo looga hadlayay nafaqo-xumada Caruurta iyo munaasabad Bangiga Aduunka oo ku saabsan Daryeelka Caafimaadka iyo Kulan kale oo lagu falanqeynayay Cudurka Hepatitis, Iyadoo la xaqiijiyay in Mrs.Xabiibo Adan Cabdi ay ka gudubtay Xadka Mareykanka iyo Canada iskana dhiibtay.

Halka, Howlgal Is-xambaar uu Wasiirka Caafimaadka ku qaaday taariikhdu markey aheyd 27-kii Juun 2024-tii Marwadiisa 2-aad Fadumo Mohamed Yusuf iyo Kaaliyihiisa Hassan Ali (Alias Aloley), Faadumo ayaa sheegay iney iska dhiibtay Dalka Germany, Shirkaasi ayaa looga hadlaayay Midaynta Aduunka si loo dhimo dhimashada Hooyada iyo Dhallaanka, runtii waa ayaan darro in Wasiir Dowladeed ui awooda Xafiiskiisa u adeegsado Tahriibinta Xasaskiisa, iyadoo aysan jiron talaabo laga qaaday Wasiirka Caafimaadka.

345280cookie-checkWasiirka Cafimaadka Dowlada Federaalka oo Lagu Eedeeyay Tahriibinta Xaasaskiisa & Kaaliyihiisa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *