Danjiraha USA Oo Lagu Qaabilay Xaruntiisa Afisioni

Somalia news

Munaasabad uu nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ee Safiirka USA U fadhin doona Somalia Mr.Larry André kaasoo ka dhacday Xarunta USA ay ku leedahay xeyndaabka Xerada Afisioni ee magaalada Mogadishu, Waxaana ka Gudoomay Wasiirka Arrimaha Dibeda Somalia..

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada Siyaasada,Doorashada, amniga, dhaqaalaha, horumarinta, iyo diblomaasiyadda, isaga oo Danjire André soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dowladood.

Wasiirka ayaa ugu tagay Danjiraha Xaruntiisa, iyadoo Shaqaalaha Diblomaasiyiinta Mareykanka lagu amray ineysan ka gudbi karin xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha sababo amaan, ilaa hadda lama yaqaamo inuu Farmaajo tegi doono Xaruntaasi si Warqadaha Orijinaalka ula wareego.

164880cookie-checkDanjiraha USA Oo Lagu Qaabilay Xaruntiisa Afisioni