Dagaalka Rooble & Farmaajo Oo Saameeyay Waxbarashada

Somalia news

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay culeys saarka iyo Dagaalka ay Kooxda Farmaajo ku hayaan Gacan-yarayaasha Wasiirka 1-aad ee Xil gaarsiinta, iyadoo la sheegay inuu sii xoogeystay loolanka iyo khilaafka ka dhex taagan Wasiirka Tacliinta Mr.Carab iyo Fiinish…

Dagaalkaan oo billowday markii Cumar Finish uu dalbaday in maamulka gobolka lagu soo wareejiyo isbitaallada Yardimeli iyo Jaziira oo Wasiirka uu Saami ku leeyahay ayaa hadda u gudbay inuu saameeyo Ardayda Muqdisho.

Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa faray Jaamacadaha Dalka in aysan qaban karin arday aan heysan Shahaadada dugsiga sare ee saxda ah oo ay soo saarto Wasaaradda Waxbarashada.

Agaasimaha ayaana ku amray Jaamacadaha dalka inay soo gudbiyaan xogta iyo macluumaadka ardayda ay diiwaan geliyeen muddo 20 maalin ah.

“Laga bilaabo sanad dugsiyeedkaan waxaa laga rabaa Jaamacadaha dalka inay Wasaaradda Waxbarashada usoo gudbiyaan xogta ardayda sanadkaan bilaabaya waxbarashada mudo ku siman 20 Maalmood, macluumaadka laga rabana waa tirada ardayda iyo documentyada ay ku diiwaan geliyeen,” ayuu yiri Ismaaciil.

Khilaafka u dhaxeeyo Wasiirka Tacliinta iyo Cumar Finish ayaa salkana ku haya Khilaafka mugga Leh ee u dhaxeeya Farmaajo & Rooble, waxaana laga cabsi qabaa inuu isku bedelo gacan ka hadal mar hadiiba Kooxda Farmaajo ay dareemayaan iney ku fashilmeen Dagaalada Doorashada iyo Saameynta Waxbarashada.

143030cookie-checkDagaalka Rooble & Farmaajo Oo Saameeyay Waxbarashada