Share the post "Wasiirka Maaliyada Oo Wareysi Dhinacyo badan Taabanaaya Siiyay Wargeyska Asharq Al-Awsat.."
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Federaalka Biixi Iimaan Cige ayaa shaaca ka qaaday in Somalia ay ku guuleysatey soo dejinta lacag gaareysa 4.5 Bilyan oo Doollar oo deyn ah, taasoo hoos imaaneysa Hay’adda HIPC oo ay hormuud ka tahay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, Wuxuuna tilmaamay in heerkan ay ugu wacan tahay dib u habeynta Hay’adaha iyo Maaliyadda, iyo sidoo kale kor u qaadista dakhliga gudaha…
Wasiirka oo Wareysi siiyay Wargeyska In an Asharq Al-Awsat, ayaa ku nuuxnuuxsaday in Muqdisho ay u aragto Boqortooyada Sacuudiga inay tahay saaxiibka muhiimka ah ee istaraatiijiyadeed ee kobcinta kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta amniga iyo xasilloonida, Wuxuu kaloo amaanay doorka muhiimka ah ee Sacuudi Carabiya ee fududeynta dadaallada deyn cafinta ee Somalia.
Mr.Cige ayaa soo bandhigay Qorshayaasha ay Dowlada Somalia mudnaanta siineyso wejiga soo socda, iyadoo diiradda la saarayo sidii loo soo jiidan lahaa maalgashi, gaar ahaan Sacuudiga, dhinacyada muhiimka ah sida xoolaha, tamarta la cusboonaysiin karo, dhaqaalaha buluugga ah, iyo kheyraadka dabiiciga ah oo ay ku jiraan dahabka iyo macdanta.
Intaa waxaa dheer, Hay’adda NISA waxay magaalada Jeddah ku leedahay kulamo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee ka baxsan arrimaha Maaliyada, iyadoo la gaarsiinayo isku-dubbaridka Ciidamada iyo sirdoonka. Cigeh waxa uu carabka ku adkeeyay, dalkiisa ay ka go’an tahay in la ballaariyo iskaashigan si uu si hufan uga jawaabo khataraha Amaanka, isagoo xusay in kooxaha argagixisadu ay ka howlgalaan xuduudaha, iyaga oo khatar la wadaaga ku ah xasilloonida gobolka iyo caalamka.