Weerar Loo Adeegsaday Bsm-Gacmeed oo lagu Qaaday Maqaayad ku Taal Magaalada Kismaayo..

Security Somalia news

Warar dheeraad ah oo kala duwan ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax loo adeegsaday Dabley aan heybtooda la aqoon oo Bam-gacmeed oo ku weeraray goobo ku yaal gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ka ah ee maamul goboleedka Jubbaland..

Wararka ayaa sheegaya in Dabley Hubeysan ay Bam Gacmeed waxay ku tuureen maqaayad ku taalla isgoyska Golol xilli ay ku sugnaayeen Dad badan oo Rayid ah waxaana ka dhashay khasaare iyo burbur xoogan, Ugu yaraan illaa 6 qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarkan loo adeegsaday bam-gacmeedka sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo loo qaateen ah.

Waxaana la sheegay in Dableyda ay ka baxsadeen Goobta weerarka waxaana goor dambe goobta gaaray Xoogag ka tirsan kuwa amaanka oo bilaabay baaritaano kooban, magaalada Kismaayo mararka qaar waxaa weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan ka fuliso kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee konfurta Dalka.

346840cookie-checkWeerar Loo Adeegsaday Bsm-Gacmeed oo lagu Qaaday Maqaayad ku Taal Magaalada Kismaayo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com