Sideed Qof ayaa ku Dhaawacantay Weerar IED oo ka dhacay Degaanka Lamu..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmada Lamu ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan 8-Askari ka mid ah Ciidamada Kenya ayaa ku dhaawacmay Axadii kadib markii gaari ay wateen uu dul maray Miino dhulka loogu aasay, Mashaqadaan ka dhacay magaalada Baure ee Lamu…

Wararka ayaa sheegay in Gaari kuwa Xamuulka ah ee ay wateen Ciidamada Kenya, kuwaasoo sahay u siday Fariisinka Baure-Drum, ayaa la sheegay in Gaarigii ay la socdeen markii ay dul mareen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, sida ay sheegeen saraakiishii la socotay dhacdada, Miinada ayaa Askartii saarnaa gaariga ku dhaawacmeen isla markaasna burburisay gaarigii tiknikada ahaa ee ay wateen Ciidamada Kenya.

Saraakiisha Amaanka ayaa rumeysan in qaraxa ay ka dambeeyeen Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada Shabaabka oo ka howlgala gudaha Keymaha Boni ee ballaaran, iyadoo Dhaawacyada loo daadgureeyay Isibitaalada Gobolka, Falkaan ayaa yimid kafib markii Laba Shaqaale oo kuw dhismaha ah ay ku dhaawacmeen Sabtidii degaanka Baragoni.

276650cookie-checkSideed Qof ayaa ku Dhaawacantay Weerar IED oo ka dhacay Degaanka Lamu..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com