Maxaa ka Run ah in Ganacsigii Qaadka Waqooyiga Gaalkacyo (Puntland( La Siiyay…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland oo muddo xileedkiisu dhamaad yahay isla markaasna uu Villa Somalia kula heshiiyay muddo korarsi, ayaa bilaabay inuu kala furfuro Siyaasiyiinta degaanka ee ka soo horjeeda, isla markaasna balanqaadyo siiyay…

Xogtaanbayaa sheegtay in Mr.Deni uu kulan la yeeshay Ra’iisul waasarihii hore Cabdiweli Cali Gaas iyo xubno kale aad u mucaaradsanaa siyaasadiisa ku aadan Doorashada Puntland, waxaana la sheegay in Mr.Deni uu u oggolaaday Mr.Gaad iyo Gabdhood oo ka ganacsada Qaadka Kenya iney Qaadka ka soo degsadaan Waqooyiga Gaalkacyo.

Dalka Somalia Siyaasiyiinta (Madaxda) xiligaan oo baahidooda dhaqaale ay xoog badisay Danta guud, ayaa risiq ka raadiyay Ganacsiga Qaadka, waxeyna Macaash ka raadiyaan Qaadadka Ethiopia iyo Kenya, iyadoo u xiray qaraabadooda iyo xigtadooda, talaabooyinkaan ayaa u muuqda ku dib u dhac ku keenaya Horumarka & Koboca dhaqaalaha gudaha ee Dalka.

226060cookie-checkMaxaa ka Run ah in Ganacsigii Qaadka Waqooyiga Gaalkacyo (Puntland( La Siiyay…