Weerar Xalay lagu Qaaday Bar Kontrol oo ku Tasl Degmada Kaxda..

Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qorsheysan oo qaraxyo ku bilaawday kaasoo xalay tiro Maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada Shabaabka ku qaaday Bar kontrol oo lagu fatasho gaadiidka kuna taal Degmada Kaxda ee Gobolka Benaadir…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in weerarkaan uu ahaa mid ku bilaawday laba qarax, waxaana xigay is-rasaaseyn toos ah oo dhexmaray Dableyda Shabaabka ka tirsan iyo Xoogaga Amaamka ee Bartaasi ku sugnaa kana tirsan Ciidamada Boliiska Somalia (Bartana lagu magacaabo) Cali Janaale.

Ilaa hadda Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarka Xalay ka dhacay Degmada Kaxda, maadama ay aheyd xili habeen ah, mana jirto war ah oo kasoo baxay dhanka Laamaha Amaanka Dowladda Fedaraalka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarka.

Weeraradaan lagu qaado Degmadaan ayaa joogto noqonaaya, iyadoo dhowr jeer oo hore sidaan oo kale weeraro qaraxyo ku bilowday uga geysatay kooxda saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo xarumo kale oo ku yaala degmadaasi.

344750cookie-checkWeerar Xalay lagu Qaaday Bar Kontrol oo ku Tasl Degmada Kaxda..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *