Ma Dhabaa in Kooxdii Danleyda ee US$-9 Rakaabka ku soo Rogtay ay Dembigii u Saarinayawn Mas’uul Kale..

Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogaaya in kooxdii isku duubneyd ee Danleyda aheyd ee curisay Mashruucii US$9-ka ay dejiyeen Qorshe eedda falkii foosha xumaa ee ka dhacay garoonka Aadan Cade dusha loogu saaro Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay in Kooxdan oo ay ka mid yihiin Villa Somalia, Wasiirada Wasaaradda Gaadiidka, Xildhibaano iyo mid ka mid ah Taliyayaasha Ciidamada ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ku mashquulsana in Ra’iisul wasaare Xamse lagu qanciyo inuu xilka ka qaado Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah iyadoo loo saarinaayo ciqaabta falkii ka dhacay Garoonka, taasoo lagu badbaadinayo Wasiirada sida saxda aheyd u geysatay gabood-falkaasi, ku darsoo Wasiirada ayaa ganafka ku dhufatay u yeeris (Barwo) ay Guddiga Gadiidka Baarlamaanka ugu yeeren iney hortimaado Baarlamaanka.

Xuuraanka ayaa daaha ka roogaaya sababaha ay Shabakadaan ula coleysan tahay Maareyaha Hay’adda Duulista ayaa lagu sheegay inuu isagu bixiyay amarkii talaadadii lagu fasaxay shacabkii ku dhibana Garoonka xili shabakadda $9-ka ay rabeen in Shacabka lagu sii ciqaabo si ay lacagta u ogoladaan.

Macada inuu Ra’iisul wasaare Xamse u hoggaansami doono soo jeedinta kooxdan oo uu xilka ka qaadi doono Maareeyaha Hay’adda Duulista, laakiin uma badna iney Shacabka Soomaaliyeed ku qanci doonan in gabbaad la siiyo cidii dulmiga geysatay badalkeedana la ciqaabo Mas’uulkii Rakaabka u fasaxay iney duulaan, Mashruuca $9-ka wali wuxuu lee yahay Danley u ooman in la fuliyo oo xitaa dad loo dulmiyo dhaqangalkiisa.

313230cookie-checkMa Dhabaa in Kooxdii Danleyda ee US$-9 Rakaabka ku soo Rogtay ay Dembigii u Saarinayawn Mas’uul Kale..