Guddiyada Doorashada Puntland & Jubbaland Oo Skai La Geliyay In Loo Diro Muqdishu

Somalia news

Warar dheeraad ayaa laga helayaa in Guddiyada Doorashada Ee Maamulada Puntland & Jubbaland ayaa shaki geliyay iney qeyb ka noqon doonaan howlaha guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee Khamiista soo socota lagu wado in tababaro la xiriira arrimaha doorashooyinka loogu qabto Magaalada MUQDISHU, iyadoo Guddiyadaan ay ka biyo diideen inta badan musharaxiinta u taagan Madaxweyne-nimada Somalia….

Maamulka Puntland ayaa waxey 4-xubnood ku biirisay Guddiyada Heer Federaal ee doorashada iyo kan Xalinta Khilaafaadka, xubnahan oo iskugu jira Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada, Lataliye sare oo katirsan 9-ka xubnood ee latalinta Madaxweyne Deni & Labo kamid ah xubnaha Urur siyaasadeedka KAAH, ayaa la rumeysan yahay in aysan waqtigan ka qeyb noqon doonin kulamada Muqdisho.

Maamulka Jubbaland ayaa wararku sheegayaan inay dib u dhigeen in xubnahooda magacaabaan isla markaasna ay qeyb ka noqdaan kulamada guddiga inta uu socdo muranka u dhaxeeya siyaasiinta mucaaradka iyo Dawladda Faderaalka ee Somalia iyo xalinta Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Gobolka Gedo.

Inta badan tirada Guddiyada Doorashada ee la xareynayo Khamiista ayaa ku dooran karaan Gudoomiyaha & Gudoomiye kuxigeenada labada guddi ayaa buuxa sida ay cadeynayaan xogaha la helayo, waxaana Guddiga Doorashadu uu ku furmayaa 21 xubnood oo kooram ku buuxo, kuna dooran karaan Mas’uuliyiinta ay rabaan, iyadoo ay labada maamul-ba maqan yihiin.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa isna kooramkiisu noqonayaa 17-xubnood, taasoo horseedeysa iney dooran karaan Gudoomiyaha & Gudoomiye kuxigeenka, iyadoo ay maqan yihiin 8 xubnood ee Jubbaland & Puntland.

72920cookie-checkGuddiyada Doorashada Puntland & Jubbaland Oo Skai La Geliyay In Loo Diro Muqdishu