Weerarka lagu qaaday Saldhiga dhexe ee Magaalada Boosaaso & Sababta..

Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay Dable hubeysan saakay aroortii hore ku qaaday Saldhigga dhexe ee Boliiska Magaalada Boosaaso, iyadoo dhawaqa rasaasta laga maqlay guud ahaan magaalada taasoo Dadka Rayidka cabsi ku abuurtay..

Xuuraano loo qaateen ah ayaa sheegaya inuu weerarka Dableyda la xiriiro hub ay xalay Xoogaga Amaanka ay gacanta ku dhigeen, howlgal ay Xoogaga Amaanka xalay ka fuliyeen Xaafad ka mid ah magaalada dabadeedna la geeyay Saldhigga Dhexe ee Boliiska.

Sarkaal ka tirsan Boliiska Gobolka Bari ayaa sheegay iney Saldhiga Bartamaha Boosaaso weerareen koox xalay laga qabtay hub kontrorabaan ah islamarkaana weerarkaasi ay iska caabiyeen Ciidamada Amaanka balse uu jiro khasaare ka dhashay dhacdadaasi.

Wali si rasmi ah looma oga tirada khasaaraha uu sababay weerarkaasi, laamaha amaankuna warbixin kama soo saarin dhacdada.

365320cookie-checkWeerarka lagu qaaday Saldhiga dhexe ee Magaalada Boosaaso & Sababta..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *