Maxaa Ka Jira In Farmaajo Uu Ka Cago Jiidaayo Shirka Teendhada Afisioni

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa shirka ay Wakiilada Beesha Caalamka ku baaqeen inuu ka dhaca Teendhada Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Mogadishu uu wajahaayo caqabado dhowr ah oo Maamulka Fashilmay Farmaajo oo muddo xileedkiisu dhamaaday uu qorsheeyay in dib loo dhigo….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Mr.Farmaajo uu aad u saluugay Hab-maamuuska Shirka, wuxuuna ka soo horjeedaa inuu ka qeyb galo shirka ka dhacaaya Teendhada Afisioni, isaga oo talaabadaan u arka inay si weyn u dhaawici doonto sharciyaddiisa iyo hamigiisa dib u Doorashada, waxaana muuqda isku dayo dhowr ah oo uu Farmaajo shirkaas uga war-wareegayo iyo qorshe 2-aad.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro qorshe Madaxda Gobolada ee taabacsan Farmaajo sidan Cali Guudlaawe, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen looga dhaadhicinayo inay shirkaas diidaan, oo ay dalbadaan in madaxtooyada lagu shiro, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaan weli soo gaarin Muqdisho, halka Guudlaawe oo markii hore ku sugnaa uusan weli shirkan ka hadlin.

Shirka teendhada Afisyooni ayaa waxaa dalbaday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo sheeegay inaysan aamin ku qabin xiligaan Villa Somalia, iyadoo sida ay hadda wax u muuqdaan hadii ay ku socoto waxaa suurto gal ah iney Madaxda Gobolada ee Taageersan Mr.Farmaajo ay diidaan ka qeyb galka shirka ay mugdi weyn gelin doonta qabsoomiddiisa, taasoo fashil ku noqon doonto Waanwaan iyo dhexdhexaadinta Wakiilada Beesha Caalamka.

Dhanka kale, Madaxtooyada Somalia ayaa diyaarineysa Qorshe kale oo ah in Kulan kale lagu qabto Magaalada Baydhabo, kadib marka uu fashiliyo Shirka Teendhada Afisioni, waxaana muuqata in Khilaafka Doorashada uu noqon doono Mashruucii Faanoole ( Faanoole Fari kama qodna).

101090cookie-checkMaxaa Ka Jira In Farmaajo Uu Ka Cago Jiidaayo Shirka Teendhada Afisioni