Ururka Haweenka Oo Lagu Eedeeyay Iney Ka Gaabiyeen Ka Hadalka Afduubka Ikraan Tahliil

Somalia news

Hooyada dhashay Dhibanada Ikraan Tahliil Faarax oo muddo Dheer si qiiro leh uga hadleysay afduubka, xariga sharci darrada ah ee Hogaanka NISA ugu geysteen, muddo 2-bilood ah ka maqan lana waayay meesha lagu hayo nolol iyo geeri, ayaa Warbaahinta la hadashay…

Mrs.Qaali Maxamuud Guhaad oo Warbaahinta la hadashay ayaa caddeysay in Maqnaanshaha Gabadheeda ay muddo 2-bilood ah u buuxsamtay, iyadoo aaney jirin cid ka hadleysa, gaar ahaan Afada Madaxweynaha Ururka Haweenka iyo xitaa Hooyooyinka Farmaajo iyo Fahad.

Dad badan ayaa is weydiinaya sababta Ururka Haweenka Soomaaliyeed uga gaabsadeen iney ka hadlaan Xiisada Ikraan Tahliil, iyagoo lagu eedeeyay Hogaanka Ururka Haweenka iney ku mashquuleen u ololeynta Dib u Doorashada Farmaajaha Fashilmay iyo Qoondada Haweenka.

137850cookie-checkUrurka Haweenka Oo Lagu Eedeeyay Iney Ka Gaabiyeen Ka Hadalka Afduubka Ikraan Tahliil