Welwel Laga Muujiyay Weerarada Burcadbadeed Puntland ka soo Jeeda ee Badda Gacanka Cadmeed…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay fuliyeen Ciidamada badda ee Yurub kuwaasoo xabsiga dhigay 6-Burcad badeed oo looga shakisan yahay inay yihiin burcadbadeed Jimcihii rasaas ku fureen Markab Shidaal oo marayay gacanka Cadmeed, sida ay saraakiisha EU-da, Weerardaan loo badinayo inay qayb ka tahay Falal burcadbadeednimo sii kordhaya xeebaha Degaanada Puntland ee Somalia….

Wararka ayaa sheegaya in Weerarka lagu qaaday Markabka Shidaalka ee Marshaal ee Chrystal Arctic ayaa ku soo beegmaya iyadoo kooxda Xuutiyiinta Yemen ay sidoo kale weerar ku qaadeen maraakiibta mara marin biyoodka muhiimka ah, Badda Cas iyo marin biyoodka Bab el-Mandeb ee isku xira. Weerarada ayaa hoos u dhigay isu socodkii ganacsiga ee mara marinka muhiimka ah ee badda ee u socda kanaalka Suweys iyo badda Mediterranean-ka.

Kooxdaan oo ku hubeysnaa Qoryaha Ak-47 ayaa rasaas ku furay markabka Shidaalka inkastoo ay iska difaaceen ilaalada Markabka, waxaana la sheegay in Ciidamada EU-da markii ay qabanaayeen kooxdani Doontooda laga gelay “hub iyo jaranjaro sidey,” sida ay sheegtay xarunta hawlgallada ganacsiga badda ee Boqortooyada Ingiriiska, Maamulka Puntland oo muddo 2-sano ah khilaaf kala dhaxeeyo Dowlada Federaalka ayaa ka gaabiyay iney xakameeyaan Burcad badeedka Degaanka oo dhibaatada ku haya Maraakiibta Gacansiga iyo kuwa Shidaalka.

326230cookie-checkWelwel Laga Muujiyay Weerarada Burcadbadeed Puntland ka soo Jeeda ee Badda Gacanka Cadmeed…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com