Xaafulinta Dhirta & Gubista Geedaha Oo Dhibaato ku hay Degaanada Dalka Somalia..

Security Somalia news

33-dii sano ee u dambeysay Dalka waxaa ka taagnaa Kooxo Gadisley ah oo dhibaato xoogan ku haya dhirta iyo Degaanka, iyagoo jarid iyo gubid u geysta dhirta, waxaadna maalin kasta ku arkeysaa Wadooyinka Magaalooyinka iyo Dekedaha Dalka Gaadiid wada Dhuxul iyo dhir qalalan oo Ganacsi dibada loogu dhoofinaayo inkastoo Maamulada Dalka ay ka gaabiyeen iney xakameeyaan Xaalufinta degaanka…

Saameynta Degaanka ee Jarista Dhirta iyo Dhuxusha

Marka dhirta la jaro waa la gubaa si looga sameeyo Dhuxul, iyadoo horseeda dhibaato ay ka mid yihiin Nabaad guur iyo iney degaanku u nuglaado Dabeylaha iyo Daadka oo dhibaato ba’an u geystay Dadka iyo Duunyada, iyadoo ay hoos u dhac ku timaado Noolaha Degaanka alabaabadana u fura abaaraha soo noqnoqda iyo iney sare u kacdo Heer kulka degaanka.

Gudaha dalka Degaanada ugu badan ee dhirta laga gooyo, ayaa waxaa ka mid ah Gobolada Jubooyinka, Sanaag iyo Shabeelaha hoose, welina dalku malahan sharci rasmi ah oo lagu joojinayo xaalufinta lagu hayo deggaanka, Dowladana waxey ka gaabisay iney sharciyo adag ka soo saarto xaalufinta Dhirta iyo Dhuxusha.

Saadaasha Xaddiga Biyaha Roobka gu’ga oo la filaayo inuu aad u hoosaysa.

Warbixino loo qaateen ayaa daaha ka rogeysa in Xarunta kaydisa xogta dhulka ay saadaal ka soo saartay ku qiyaastay suurtagalnimada inuu yaryahay xaddiga roobka Gu’ga ee la filayo inuu ka da’o gobolada Dalka Somalia, Xogtaan ayaa muujinaysa in degmooyinka qaarkood ay heli doonaan xaddi hooseeyay ee Robabka Gu’gua ee Gobolada Waqooyiga Bari iyo kuwa Bartamaha.

361040cookie-checkXaafulinta Dhirta & Gubista Geedaha Oo Dhibaato ku hay Degaanada Dalka Somalia..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *