Maxaa ka Run ah in Deni Qorsheynaayo inuu Isku Shaandheynaayo Wasiiradiisa..

Somalia news

Wararka naga soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Mr.Deni uu qorsheynaayo inuu isku-shaandheyn ku sameyn doona Golihiisa Wasiirada, isagoo xilalka ka qaadi doono xubno hada xilal haya iyo sidoo kalena magacaabi doono Wasiiro cusub, kadib markii Doorasho degaan oo qabyo ah qabtay..

Xogtaan ayaa sheegtay in qorshahaan Isku-shaandheynta ah ayaa lagu wadaa iney dhicdo kahor bartamaha bisha June ee sanadkan, oo lagu wado inuu furmo Kalfadhigga Baarlamaanka Puntland, waxaana lagu wadaa in Xubnaha ugu badan ee xilalkooda weyn doona ayaa waxaa kamid ah Wasiiradda kasoo jeeda Gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegay in Xubnaha ugu badan ee xiallkooda weyn doona waxaa ka mid ah Wasiiradda kasoo jeeda Gobolka Bari, Sidoo kale Xilal cusub ayaa la filayaa in lagu soo kordhiyo Xukuumadda cusub oo hada ka kooban in kabadan 65 wasiir, wasiir kuxigeen iyo Wasiiru-dowlayaal.

258680cookie-checkMaxaa ka Run ah in Deni Qorsheynaayo inuu Isku Shaandheynaayo Wasiiradiisa..