Qaadka oo Udub dhexaad u Noqday Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Dalalka Ethiopia, Kenya & Somalia

Africa News Somalia news

Muddo 3-sano gudahood ayaa ka ganacsiga Qaadka uu udub dhexaad u u noqday Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Ganacsi ee dalalka Ethiopia, Kenya & Somalia, iyadoo Maamulkii Farmaajo uu gebi ahaanba joojiyay Qaadkii ka imaan jiray Kenya, wuxuuna ku bedelay kan Ethiopia si uu xiriir dhow u yeesho Walaalkiis Abiy Axmed…

Khubaro badan ayaa aaminsan in dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Qaadka uu xowli ku dhaafay Amniga, Iskaashiga xuduudaha, Ganacsiga kale, layaabase ma laheyn in hadii Xafiisyada Madaxweynayaasha Somalia, Kenya iyo kan Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ay aad isugu mashquuliyaan Qaadka iyo Khidmadaha dalaalinta dulsaarka ka macaashta ka mid noqdaan kuwo toos ugu xiran Xafiisyadooda.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Qaadka Ethiopia Kiiladii laga gado 19-US$ halka Qaadka Kenya kiiladii laga qaado 23-US$, Dalaaliinta oo aad u badan dhinac Kenya & Somalia ayaa lagu fasiray iney sare u kacdo qiimaha Qaadka Mirowga ah, waana siyaasad ay wada dejiyeen Abiy & Farmaajo, waxaana la sheegay in Madaxweynaha cusub ee Kenya uu ka codsaday dhigiisa Somalia in kooxaha Dilaaliinta meesha ka saaro, isaguna uu balanqaaday inuu talaabaadaasi mid la mid ah uu qaadi doono.

Shirkadaha iyo Dilaalinta Qaadka ayaa la rumeysan yahay in khidmadaha ay qaataan qaarkood Villa Somalia lagu wareejiyo si loogu furdaamiyo Xargadaha siyaasadaha kuwaasoo gaarsiisan heer Federaal ilaa Maamulada Gobolada iyo Degmooyinka, Qaadka ayaa noqday Ganacsi si fudud looga taajiro wuxuuna xiligaan noqday mowduuc weyn oo siyaasadeed oo Maamul kasta oo talada la wareego ku naas nuujiya Qaraabadiisa ito Ehelkiisa

213520cookie-checkQaadka oo Udub dhexaad u Noqday Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Dalalka Ethiopia, Kenya & Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com