Aragtiyada Is-diidan Ee Xalinta U Baahan Shirka Dhuusa mareeb-3

Somalia news

Shirka xiligaan ay ku kulansan yihiin magaalada Dhuusamareeb Kooxda Villa Somalia ee Ilma gareen ayaa u muuqda mid ka duwan sidii ahaa kuwii ka horeeyay, marka loo eego xagga Soodhoweynta diiran (Marti-soorka), Siyaasadeed, xagga Dhaqaale iyo dhanka isku kalsoonaanta ee qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Guud ahaan degaanada Galmudug gaar ahaan magaalada Dhuusa Mareeb, iyadoo haatan ay howlaha u socdaan sidii Heestii Caanka aheyd (Shimbiriyahow Heesa)…

Shcbiga magaalada Dhuusamareeb ayaa si hagar la’aan ah u soo dhawaysay wajigii labaad ee Shirka, iyadoo xiligaan ay ka muujiyeen cagajiid xagga bixinta dhaqaalihii iyo xoolihii ay sida niyad wanaaga ah ugu soo dhaweeyeen madaxdii dalka, waxaana soo shaac baxaaya in Mr.Farmaajo uu diiday in Dhaqaalihii ku baxay Kualamdii Dhuusa mareeb 1 iyo 2 iyo dib heshiisiinta beelo ku dagaalamay Gobolka Galguduud uu diiday inuu bixiyo dhaqaalaha lagu bixiyay, iyadoo uu horey u balanqaaday Wasiirkii 1-aad ee Dowladii hore.

Inkastoo uu Mr.Farmaajo iyo garabkiisa ilma gareen ay iska xaadiriyeen magaalada Dhuusamareeb, hadana iska furteen Shirka, waxaan meesha ka marneyn qorshe siyaasadeed oo ku qarsoon tagitaankooda, Warar ayaa sheegaya in Danjirayaasha UK iyo Qatar ay wax ka maleegeen Qorshahaasi, sida ay qabaan Siyaasiyiin iyo dadka falanqeeya arrimaha Siyaasadda dalka, xeeladaan ayaa ah mid horey loogu soo heshiiyay Villa Somalia, iyadoo B Xildhibaanada Baarlamaanka laga dhigay Marjac loo noqdo oo go’aanka kama danbaysta ah iska leh.

Qorshahaan mid ka duwan ayeey miiska soo saareen Madaxweynayaasha Puntand iyo Jubbaland, waxeyna ka qeyb galkooda shuruud uga dhigeen in marka hore la fuliyo Heshiisyadii hore, tan labaadna la magabaaco Ra’iisul wasaare, iyagoo ka digay in Mr.Farmaajo uu isku noqdo Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad, talabaadaasi ayaa khatar ku ah isku dheeli tirka awood qeybsiga beelaha ee 4,5.

Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland waxey ku midaysan yihiin argtida ah in aanu shirku furmi karin ilaa laga helayo damaanad Caalami ah, oo ah in go’aanka ay wada gaaraan aan loo celin karin Baarlmaanka oo ay tahay in ay siday tahay u dhaqan gasho, bacdamaa 3 iyo bar Howlihii loo igmaday ay ka gaabiyeen Gudoonka Barlamaanka.

Beesha Caalamka oo qoraalo kala duwan ka soo saaray Arrimaha Doorashooyinka iyo shirka Dhuusamareeb ayaa xilligaan u aragta in go’aan uu gaaro Madaxwyane Farmaajo iyo Baarlamaankuba aanay dalka ka dhaqangali karin, oo waxa kaliya oo sharci noqon kara ay tahay go’aan wadajir ah oo ay dhinacyada Saamilayda siyaasadda dalku gaaraan.

Haddaba Akhristow, su’aasha Jawaabta u baahan ayaa waxaa ay tahay labada Qorshe keebaa Dan u ah Shacbiga Soomaaliyeed?.

55130cookie-checkAragtiyada Is-diidan Ee Xalinta U Baahan Shirka Dhuusa mareeb-3