Xaaluf Lagu Hayo Dhirta ee Degaano Hoos Yimaada Degmada Qardho ee Puntland…

Security Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa daaha ka ragoeysa in Koox Gadisley ah ay qandaraasyo ku siiyeen Xubno degaanka Degmada Qardho ka soo jeeda iney soo jaraan Dhirta isla markaasna Dhuxul ahaan uga iibiya Dadka Shacbiga, talaabadaan oo lagu tilmaamay Xaaluf mudna in laga hortago…

Wararka ayaa sheegaya in Kooxaha xaalufinta ba’an ku haya Dhirta kuwaasoo jaraaya noocyada kala duwan ee dhirta gaar ahaan geedka Galoolka si dhuxul loogu shito, iyadoo loo soo kireystay Koox Qaxaati Oromada Ethiopia oo ku nool magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso, waxeyna Cabashadaani gaartay Maamulka Puntland.

Wararka ayaa sheegay in Kooxo Degaanka ka soo jeeda oo hubeysan ay ilaalinayaan Shaqaalaha iyo Dhuxusha la diyaariyay, iyadoo loogu baaqay Maamulka Deni iyo Hey’adaha ay khuseyso iney soo fara geliyaan dhibaatada lagu hayo xaalufinta dhirta, maxaa yeelay Xoogaga Amaanka Awood uma lahan iney joojiyaan howshaan.

335910cookie-checkXaaluf Lagu Hayo Dhirta ee Degaano Hoos Yimaada Degmada Qardho ee Puntland…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com