Xafiis-Laameedyada UN-ka ee Garoowe Oo Shaqaale Eryay & Sababta…

Somalia news World

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Hay’adaha Qaramada Midoobay (UN) ee Xafiis-Laameedyo ku leh magaalada Garowe ayaa shaqadii ka eryay qaar ka mid ah shaqaalahooda, iyadoo ay saameyn ku yeelatay Ilaalada ka ah Xarumaha UN-ka iyo kuwa Nadaafada…

Wararka ayaa sheegaya in Hay’adda UNICEF ay noqotay tan ugu badan ee fasaxday tiro badan oo Shaqaalaheeda ka tirsan, sida uu xaqiijiyay ilo-wareed ka tirsan Hay’adda, balse codsaday in aan magaciisa la shaacin, iyadoo lagu wargeliyay in Heshiiskii shaqo la joojiyay gebi ahaan kaasoo dhaqan galay horaantii Bishaan.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii hoos u dhac weyn ku yimid taageeradii dhaqaale ee Hey’addu ka heli jirtay Dowladda Mareykanka, UNICEF ayaa sheegtay in miisaaniyadeeda sanadka 2026 ay hoos u dhici doonto ugu yaraan 20% marka loo eego tan sanadka 2024, sababo la xiriira hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah – gaar ahaan kuwa ka yimaada Mareykanka.

Iyadoo Sanadkii 2024, Dowladda Mareykanka waxay ahayd deeq-bixiyaha ugu weyn ee UNICEF, waxeyna ugu deeqday in ka badan $800-Millions, Laakiin isbedelladii uu sameeyay Madaxweyne Donald Trump ayaa horseeday in Millions US$ laga dhimo gargaarka bani’aadantinimo, taasoo si toos ah u saameysay howlihii UNICEF ee gudaha Somalia.

371830cookie-checkXafiis-Laameedyada UN-ka ee Garoowe Oo Shaqaale Eryay & Sababta…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *