Ma Dhabaa in Wasaarada Awqaafta Xajka ay soo Celineyso Qeybo ka mid ah Dhaqaalihii Xajka…

Somalia news

Iyadoo Cabashooyin iyo Dhibaato xoogan ay Xujeydii Soomaaliyeed kala kulmeen Hananka loo maareeyay Adeegyadii Xajka oo laga qaaday Xujeyda Dhaqaale badan, balse ayaan darro aan loo fidin wixii la balan qaaday, ku darsoo waxey dib u soo celintooda qaadaray muddo 2-bilood ah…

Hadda, Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlada Federaalka ayaa xaqiijisay insy soo celineyso dhaqaale dhan $-273,333.3, taasoo horey loogu kireeyey basaska Xujeyda geynayay Mina ilaa Arafa sanadkaan, balse qaarkood aysan shaqada soo galin ama cilado ku yimaadeen, talabadaasi oo kaliftay in gaadiidka yaraadaan sida la sheegay.

Maamulka Guddiga Xajka ayaa sheegay in shirkadaha Basaska ee gudaha Sacuudiga laga kireeyey kasoo celisay lacagtaan, waxana ogaanay in guddiga Xajka, wasaaradda Awqaafta iyo Maamulka Villa Somalia ay ka fakarayaan 2-qodob oo ah sidii loo maamuli lahaa dhaqalahaan.

-In lagu iibiyo Gaadiidka Caafimaadka gurmadka deg deg ah, oo ay leeyihiin Xujeyda Soomaaliyeed, Sadaqana u noqonaysa cid kasta oo wax ku lahayd lacagta lasoo celiyey inkastoo aan la tala gelin Xujeyda.

-In lagu Wareejiyo Shirkadihii Xujeyda keenay si ay u gaarsiiyaan Qadar lacag dhan $25 shaqsigii si siman.

271400cookie-checkMa Dhabaa in Wasaarada Awqaafta Xajka ay soo Celineyso Qeybo ka mid ah Dhaqaalihii Xajka…