Maxaa Amniga Dalka ka dhigay Boog Aan Boogson oo ay Ku Kufaan Madaxda Dalka…

Somalia news

11-kii sano ee u Dambeysa Dalkaan Maamulada soo maaray waxaa boog aan boogsan ku noqtay Maareynta Amniga Dalka, Waxaana sabab u ah Xulashadooda liidata ee La-taliyayaashooda iyo Hogaanada Hey’adaha Amniga, isla xisaabtan la’aan iyo Faan aan faruuryaha dhaafsiisneyn…

Xogta Weerarka & Laamaha Amniga

Falka Hoteelka ayaa noqonaaya kii 5-aad ee lidiga ku ah Amniga & Xasiloonida Caasimada ee dhaca laga soo bilaabo 15-kii May 2022da iyo weerarkii 7-aad ee lagu qaado Goobo isugu jira Xarun dowladeed iyo meherado Ganacsi, kadib dib u Doorashadii Xasan Gurguurte, iyadoo la xaqiijiyay in Maalmihii ugu dambeeyay ay jireen digniino hordhac ah oo dhinaca Amniga ah isla Markaasna farta lagu fiiqay Hoteelada Xeebta Lido goobaha laga cabsi qabo iney weeraro ka dhacaan.

Xagey soo mareen yaase u Fududeeyay

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Maqaayada la weeraray la sheegay in muddo ah fariimo toos ah oo Hanjabaado loo diraayay, iyagoo lagu wargeliyay iney Baada Kooxda argagixisada bixiyaan ku darsoo goobta la weeraray ayaa ku taal baro Kontrol oo Hey’adaha Amaanka iyo ilaalada Safaaradaha Turkiga iyo UAE, inta aan la gaarin meheradaan Ganacsi, Su’aashu waxey tahay yaa fududeeyay iyo xagey soo mareen Maleeshiyaadka iyo Gadiidkooda.

Isla Xisaabtan la’aanta iyo Amusnaanta Hogaanka Dalka

Bacdamaa Hogaanka Villa Somalia uu u doo xushay Kaadiriintiisa Hogaaminta Hey’adaha Amniga, isla markaasna uu xooga saaray sidii Qeybaha Mucaaradka loo caburin lahaa iyo Baafinta Beenta ee Baraha bulshada in Amniga Caasimada uu soo hagaagay, iyadoo loo adeegsanaayo Canshuurta Muwaadiniinta Caasimada isla markaasna lagu dhibaateeyo Isbaarooyinka halka kooxaha argagixisada loo fududeeyo iney si sahal ah ku gaaraan bartilmaameedkooda.

Ma la gaaray xiligii Shacbiga Mogadishu iska wareysan lahaayeen fashilka Amniga ee Madaxda Dalka hormuudka ka yihiin bacdamaa ay Weerarada kooxaha Argagixisu noqdeen boog aan boogsan iyo Isbaarooyin Shacbiga lagu dhibo, Hey’adaha Amniguna ku sifoobaan kuwo Kaadiriin ay Hogaamiyaan (Guulwadayaal) eedeeduna uu leeyahay Horjoogaha Koox-diimeedka Demu jadiid.

260240cookie-checkMaxaa Amniga Dalka ka dhigay Boog Aan Boogson oo ay Ku Kufaan Madaxda Dalka…