Xafiiska Dacwad-Oogah ICC oo Codsaday Oggolaasho Warqad Qabasho Oo Caalami ah..

World

Shalay Dacwad-oogaha guud ee Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC ayaa Isniintii sheegay inuu doonayo in waaran qabasho ah loo diro Ra’iisal wasaaraha Israel, Wasiirkiisa Difaaca & 3-hoggaamiye oo ka tirsan Ururka Hubeysan ee Xamaas, kuwaasoo loo haysto dembiyo dagaal oo ka dhacay Magaalada Gaza, iyo kuwo kale oo ka dhan ah Bini’aadantinimada, intii uu socday dagaalka u dhexeeya 2-dhinac..

Codsiga Xafiiska Xeer Ilaalinta uu u Gudbiyay 3-da Garsoore ee Maxkamada ICC ayaa qiimayn doona cadaymaha uu soo ururiyey, kadibna go’aan gaari doona in Warqad qabasho oo rasmi ah loo jaro Mas’uuliyiintaan Eedaha lagu soo oogay, go’aan ayaa dhaliyey falcelin kala duwan. Madaxweynaha USA iyo kan Israel ayaa Dhacdanaan ku wada tilmaameen Fal laga xumaado muujinayana heerka uu Nidaamka Garsoorka ee caalamiga ahi uu khatarta ugu jiro inuu burburo.

Ururka Xamaas ayaa isaguna dhaleeceeyey go’aanka ka soo baxay dacwad oogaha ICC ee ah, in la soo xidho saddex ka mida saraakiisha sarsare ee ururkooda. Waxay ku eedeeyeen dacwadoogah ICC, Karim Khan inuu isku dayayo inuu simo, dhibbanaha iyo qofkii dilka geysanayey.

327830cookie-checkXafiiska Dacwad-Oogah ICC oo Codsaday Oggolaasho Warqad Qabasho Oo Caalami ah..