Ma Dhabaa in Israel & Xulafadeeda ay Qorsheeyeen in Falastiniyiinta la Dejiyo Dalka Egypt..

World

Iyadoo Dagaalka Dabargoynta Shucuubta Falaatiin uu socdo maalintii 6-aad, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in USA ay ku baaqday in Dalka Egypt uu xuduudeeda u furo Shacbiga ku nool magaalada Gaza iney u xaqaan, talaabadaan oo lagu tilmaamay mid loogu xalaaleynaayo Dhulka Falastiin Dalka Israel…

Wararka ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta Masar ay u dhaqaaqeen sidii ay uga hortagi lahaayeen Qax balaaran oo ka imaanaya Shcabiga Falastiin ee ku nool Marinka Gaza kuna wajahan gacanka Sinai, iyadoo Maamulka Israel la sheegay iney diideen in Gaadiid gargar Shidaal iyo Daawooyin u sida Isbitaalada Magaalada Gaza ka soo gudbaan, waxeyna ku hanjabeen iney duqeyn doonaan.

Madaxweynaha Russia Vladimir Putin ayaa ka digay in baaqyada ka soo yeeray Madaxweynaha USA uu yahay khatar ku ah Shacbiga Falastin, bacdamaa uu culeys ku saaray Dowlada Masar iney Xuduudeeda u furto Shacbiga Falastiin si ay ugu qaxaan, wuxuuna Mr.Putin sheegay in Gaza ay mid tahay Dhulka Taariikhida ah Falastiin.

281510cookie-checkMa Dhabaa in Israel & Xulafadeeda ay Qorsheeyeen in Falastiniyiinta la Dejiyo Dalka Egypt..