Kooxda Argagixisada Shababka oo Dib u Biloowday Ugaarsiga Busas-ka Rakaabka Kenya..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ayaa laga helayaa degaanada u dhaxeeya Ethiopia, Kenya iyo Somalia ayaa sheegaaya iney aad u kordheen tirada weerarada dhaba galka ee kooxda argagixisada Shababka ay u geystaan busas-ka Rakaabka ee iskaga kala goosha Xuduudaha 3-da Dal ee kor ku xusan…

Xogo loo qaateen ah ayaa si hoose u sheegay in Dadka Degaanadaasi ku nool ay Walaac ka muujiyey jiritaanka xarumo qarsoodi ah oo ay kooxda Shababka ku taahkiiliyaan Dhalinyarada Busaarada iyo shaqo la’aanta ku habsatay isla markaasna tababaro gaaban ku siiyaan, iyadoo Dadkani ay qaarkood cabsi xoogan ka qabaan iney ka hadlaan sababo amankooda la xiriira iyo ineysan taageero ka helin He’adaha Amaanka.

Dabley hubeysan oo la tuhunsan tahay iney ka tirsan yihiin kooxda Shababka ayaa wadada u galay Bus tuulada Matatu kana yimid Banisa kaasoo ku sii jeeday magaalada Mandheere maalintii Axadii tagtay, waxaa falkaasi ku dhawacmeen 3-Qof Rakaabka ka mid ahaa, bishii Feb, Sanadkaan ay kooxdu ku qaaday laba weerar oo ka dhacay isla goobtaan, iyagoo Maleeshiyaadka weerar ku beegsatay Bus-ka u socda degaanka Mooyaale.

259520cookie-checkKooxda Argagixisada Shababka oo Dib u Biloowday Ugaarsiga Busas-ka Rakaabka Kenya..