Xafiisyada Wasiirka 1-aad Oo Afduubtay Mashuurca Covid-19

Health

Iyadoo ay Maamulka Farmaajo uga harsan tahay walhtiga 287-maalmood muddo xileedkiisa, ayaa Waxaa soo shaac baxaaya in xiligaan kala guurka ah ay ku mashquulsan yihiin sidii looga macaashi lahaa dagaalka lagula jiro ka hortagga Coronavirus….

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in Xafiiska Wasiirka 1-aad la hoos geeyay dhamaan howlaha ka xiriira la dagaalanka Cudurka Covid-19, waxaana la dhisay Guddiyo kala duwan oo arrintan qaabilsan ayaa waxaa soo baxaya inay socdaan mashruucyo wacyigelin ah oo Xafiisyada sare ku lug leeyihiin.

Wararka ayaa sheegaya in Wacyi-gelinta ku saabsan cudurka Covid-19 ayaa durba waxaa la ogaaday inuu noqday mashruuc ay ku lug yeesheen Qeybta Warfaafinta ee Xafiiska Ra’isal wasaaraha, Wasaaradda Caafimaadka iyo NGO-yo kale, iyadoo dhaqaale lagu bixinayo.

Qeybta Warfaafinta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa diyaarisay farriimo caafimaad oo ku saabsan Covid-19, waxayna toos ula xiriirtay Warbaahinta Muqdisho qaarkood iyo kuwa Gobollada Dalka si ay muddo laba toddobaad ah ugu baahiyaan farriimahaasi, waxayna u qoondeysay Dhaqaale.

Faraca Warfaafinta ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha aysan xisaab xir iyo wax dokumenti lacag qabasho ah weydiisan warbaahinta ay mashruucaas siisay, waxayna qiime kala duwan u qoondeysay idaacadaha ku yaalla Muqdisho iyo kuwa Gobollada dalka.

Dhinac kale ururro NGO ah sida (Eagle Media Production) ayaa wada farriimo ku saabsan Covid-19 oo mashruuc uga soo qaatay Hay’addo samafal, iyadoo lasoo mariyay Wasaaradda Caafimaadka waxayna adeegsadaan oo heshiis la galeen isla warbaahinta ay farriimaha ka sii deyso qeybta Warfaafinta ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Inta badan warbaahinta ayaa markii hore isu xil saartay inay dadka ka wacyi geliso dadka cudurka Coronavirus, iyagoo u arkay waajib saaran, laakiin waxaa arrintii meesha ka saaray mashruucyada is barbar socda iyo lacagta lagu bixinayo wacyi-gelinta cudurka Covid-19.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale shirkadaha isgaarsiinta gaarsiiyey farriimo telefoonadu kusoo dhacayaan oo ku saabsan wacyi gelinta Cudurka Coronavirus.

Waxaa la ogyahay Agaasimihii guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo agaasimihii maaliyadda Wasaaradda ay u xiran yihiin arrimo musuq, Arrinta Covid-19-na loo sameeyay Guddi dhowr ah oo hoos taga Ra’iisal wasaaraha.

30450cookie-checkXafiisyada Wasiirka 1-aad Oo Afduubtay Mashuurca Covid-19