Maxaa ka Dhab In Waalidiin badan ay Caruurtooda ka soo Saarayaan Kooxda Argagixisada Shababka

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in degaano badan oo ka tirsan Goballada Dalka, ay Waaliddiin badan ay xoogga saarayaan xiligaan sidii ay Carruurtooda ugala bixi lahaayeen kooxda argagixisada Shababka, Arrintan ayaa mudan in Saraakiisha Amaanka Dowlada Federaalka ay il gaar ah ku eegaan gacana ka geystaan sidii loo dhiiri gelin lahaa Waalidiinta…

Wararka ayaa sheegaya haddii Waaliddiintaanu carruurtooda si hoose ugala baxaaan kooxda ayna guryaha ku heystaan ayey dhibaato ku tahay dib u xoreynta dalka sababtoo ah waa arrin fududeyn karta in kooxdu dib isu abaabusho, haddiise Waaldku wiilka uu dhalay ka soo reebtaan kooxdaani kuna wareejiyaan Saraakiisha Amaanka ayey tani deg deg usoo afjari kartaa sii jiritaanka Kooxdan argagixisada ah.

Ugu dambeyn Maamulka Dowlada Federaalka ayaa looga fadhiyaa iney Waaliddiinta Soomaaliyeed u ballan qaadaan in cunug kasta oo ay kooxdan kasoo saaraan dib u dhaqan celin iyo in la xannaaneyn doono oo aan laga aar gudan doonin si Waalidku dowladda uga wareejiyaan dhallinyardaasi ka soo baxaysa Kooxdaan. Sidoo kale dowladda ayaa laga rabaa marki dhallinyaradaas loo keeno iney dhaqan celin u sameyso oo aysan bulshada kusii dhex deyn.

215220cookie-checkMaxaa ka Dhab In Waalidiin badan ay Caruurtooda ka soo Saarayaan Kooxda Argagixisada Shababka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com