Xarumaha Cafiimaadka Magaalada Boosaaso Oo Xayiraado lagu Soo Rogay & Sababta..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Kooxda Argagixisada Daacishta ee ka howlgala degaanada Buuraleyda Degmada ay xayiraado ku soo togeen tiro Isbitaalo ah kuwaasoo laga eedeeyay iney ka gaabiyeen bixinta Baada dhaqaale…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in saameynta Baadaan loo xiray tiro Isbitaalo ah oo kuwa gaarka loo leeyahay waxaa ka mid ah National, Kaafi iyo kuwa badan oo ku yaala magaalada, kadib amar kasoo baxay kooxda Daacishta Somalia oo ay kusoo rogteen dhaqaale baad ah oo joogto ah.

Xayiraadaan ayaa la xaqiijiyay iney xiriir la leedahay Shirkado Ganacsi (Mall’s) oo qaarkood albaabada loo laabay kadib markii ay diideen iney bixiyaan Baada ay ku soo rogeen Maleeshiyaadka Kooxda Daacishta, Maamulka Gobolka iyo kan Puntland ayaa lagu eedeeyay in magaalada ku daawanayaan culeyska amni ee Daacishta ku hayaan Shacbiga Boosaaso, si gaar ahna Ganacsatada, oo laf dhabar u ah dhaqaalaha.

Magaalada Boosaaso oo ah isha ugu dhaqaalaha badan maamulka Puntland ka helo ayaa muddooyinkii dambe la daala dhacaysa khatarta amni ee kooxaha argagixisada, welina wax muuqda kama qaban arrintaan maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Deni.

333260cookie-checkXarumaha Cafiimaadka Magaalada Boosaaso Oo Xayiraado lagu Soo Rogay & Sababta..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *