Abaabulayaashii Qaraxyada Oo Ku Dhamaaday Qarax

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Horjoogayaal iyo Kalkaaliyayaashood ayaa la warinayaa iney ku dhamaadeen Qaraxyo ay u soo wadeen Magaalada Mogadishu, halka Horjoogayaal kale la sheegay in lagu dilay Weeraradii ka dhacey Degaanada Aw-dheegle iyo Bariire….

Sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Sirdoonada reer galbeedka Ee ku sugan Xarunta Amisom ee Xalane ayaa sheegay in kooxdaan oo Qaraxyo diyaarsan ka qaaday degaanka Toratorow 28-03-2021, xili ay ku hakadeen degaanka Basra ee Gobolka Shabeelada hoose, iyagoo u soo waday Magaalada Mogadishu.

Horjoogayaasha Qaraxa ku halaagmay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay:-

-Maxamuud Goobe Raage Jeesow (Darius) oo ka howlgayaay qeybta Qaraxyada Gobolka Benadir

-Muuse Kooble oo ku magacawnaa Kuxigeen qeybta Qaraxyada Magaalada Mogadishu iyo 6-kale oo loo diyaariyay iney ka mid noqdaan Qeybta Qaraxyada.

108510cookie-checkAbaabulayaashii Qaraxyada Oo Ku Dhamaaday Qarax