Tiro Musharixiin ah & Wakiilka Xoghayaha UN-ka Oo ka Digay Wax ka Bedelka Dastuurka & Doorashada..

Somalia news

Warsaxafadeed ay si wadajir ah u soo saareen qaar ka mid ah Mas’uuliyiintii hore ee Dalka ayeey uga soo horjeesteen go’aan uu dhawaan qaatay Madaxweynaha dowladda Fedaraalka, iyagoo nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweynaha uu isku dayo sidii uu go’aan kalligiis ah uga gaari lahaa masiirka Dalka…

Warka kasoo baxay Qaramada Midoobey ee ku aadan Qabyo tirka Dastuurka Kmg ah ee Fadaraalka,waxuu dharbaaxo ku yahay qorshaha MW Xasan ee baalmarsan Shuruucda Dalka, “Waxka badal walba oo laga samaynayo Dastuurka waa  iney ku yimaadaan wadar ogol iyo heshiis Dalka” ayaa lagu qoray Qoraalka QM.

Dowladnimada Dalkaan ka jirta waa mid ku timid Heshiis Bulsho ee ma’ahan mid Qof qaabeeyay xiligaan Koox ama Madaxweyne kaligiis sameeyay ama samayn karo jiro, waxaa loo baahan yahay in Heshiis wadar oggol laga gaaro Hanaanka Doorashada Dalka.

282800cookie-checkTiro Musharixiin ah & Wakiilka Xoghayaha UN-ka Oo ka Digay Wax ka Bedelka Dastuurka & Doorashada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com