Xaruntii Universal TV ee Hargeysa Oo Albaabada Loo Laabay

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in albaabada u laabay xaruntii uu telefishinka Universal ku lahaa magaalada Hargeysa…

Agaasimaha Universal ee Hargeysa, Maxamed Caabi Digaale ayaa sheegay in askar boolis ah ay yimaadeen xilli ay ku guda jireen warkii duhurnimo, isla markaana ay shaqaalihii ka saareen xarunta.

“Waxaa na soo diray wasaaradda warfaafinta ee Somaliland ayey yiraahdeen, waxaana naloo sheegay in ruqsadii lagala noqday TV-ga laga billaabo saacadda la bilaabay,” ayuu yiri Caabi.

Agaasimaha ayaa sheegay inaan loo sheegin sababta loo xiray balse uu  tuhunsan yahay in xarunta looga xiray xafladdii 26-ka June oo isku mar tebinayeen munaasabadihii ka socday Hargeysa iyo Muqdisho.

“Labada xafladood ee ka socday Muqdisho iyo Hargeysa isku waqti ayey baxayeen, waxaan toos u baahinay tii ka socotay Muqdisho, maadaama labadaba aysan suuragal aheyn inaan isku mar wada baahino” ayuu yiri agaasimaha.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland, Suleymaan Yuusuf Koore, oo aan wax ka weydiinay sababta loo xiray xarunta telefishinka Universal ee Hargeysa ayaa sheegay in TV-ga uu diiday baahinta khudbaddii Madaxweyne Muuse Biixi ee habeenkii 26-ka June.

44460cookie-checkXaruntii Universal TV ee Hargeysa Oo Albaabada Loo Laabay