Wasiir Gabadhiisa Xil U Magacaabay

Somalia news

Madaxda Wasaaradaha ee Maamulka Fashilay ee Farmaajo ayaa sii wada boobka iyo xil magacaabista Xilalka qaraabadooda iyo xigtadooda, iyadoo Sii-hayaha Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mr.Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa fadeexad dhexda ka galay kadib markii uu Gabadhiisa xil uga magacaabay wasaaradda….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijsiay in horaantii bishaan uu Sii-hayaha Wasiirka Macdanta iyo Batroolka uu Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta ee Wasaarada u magacaabay Mrs.Sumaya Cabdirashiid Maxamed, waxaana ku xigtay inuu amray dhamaan xiriirada wasaaradda ay maamusho.

Bishii lasoo dhaafay Gudoomiyaha Guddiga Batroolka Soomaaliyeed Ibraahim Cali Xuseen ayaa sameeyay xiriiro caalami ah uu la yeeshay Shirkado iyo Hay’ado ku lug leh arrimaha shidaalka iyo Qandaraasyada lagu iibinaayo xirmooyinka shidaal ee la baarayo, Talaabadaas ay guddiga qaadeen waxey Wasiirku ku qasabtay inuu magacaabo madaxa xiriirka iyo warbaahinta kana dhigo gabadhiisa si uu xaalad walba ula socdo.

Wasiirka ayaa xiriir dhow leh Madaxweynaha iyo Agaasimaha NISA, ayaa ku adkeystay inuusan wax khalad ah gelin, ayn la og yihiin Mr.Farmaajo iyo Adeege Fahad, Dalka ayaan muddo ka badan 47-Maalmood laheyn Wasiirka 1-aad, waxeyna Talabaadani fududeysay in Wasiirada qaarkood ay ku dhaqaaqaan magacaabis shurucuuda ka baxsan.

59200cookie-checkWasiir Gabadhiisa Xil U Magacaabay