Xaalada Amni/Siyaasad Ee Dalka Oo Laga Deyriyay

Somalia news

Go’aanadii  xasaasiga ahaa ee isdabajooga ahaa  ee uu maalmahii la soo dhaafay  qaatay Baarlamaanka Fedaraalka, gaar ahaan labadii go’aan oo ay ansaxiyeen ayaa waxay dalka galiyeen xaalad cusub oo cabsi leh….

Farmaajo oo ku fashilmay Hogaaminta dalka ayaa in muddo ah wuxuu ku mashquul Sana’a qorshe lagu kala qeybinaayo Shacbiga Soomaaliyeed, isagoo Soo bandhigay Qaab cusub oo suuragal ka dhigayo in dalku uu galo xaalad colaadeed, isla markaana lagu kala furfura mucraadka dowlada, Dowlad Goboleedyada la galiyo ciriiri siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Taas oo ay ka dhex arkayeen fursad siyaaseed oo ay xukunka ku sii haysan karaan.

Go’aanka Xildhibaanada ayaa caddeynaaya in aan sifo sharciyadeed loo marin, maxaa yeelay, waxaa la hareer maray sareeynta sharciga, wadatashiga siyaasadda iyo adkeynta midnimada Shacbiga.  Waxaa uu baarlamaanku bilaabay fulinta talaabooyin laga unkay Madaxtooyada taasoo ujeedadu laga lahaa ahayd:-

-Xiritaanka Aqalka Sare si uusan uga hor-imaan danaha Farmaajo.

-In la abuuro caadifad qabiili ah oo la isaga horkeenayo qabaa’iladda Soomaalida, waxa aad ku arkaysay baraha bulshada Xildhibaano kicinaayo caadifad qabiil.

-Hogaanka Baarlamaanka ayaa isaga oo og in arimaha masiiriga ah ee u baahan in si wadajira looga hadlo, sharcigana la waafajiyo, ayay si ku-talagal ah oo deg deg ku jirto  ku marsiiyeen.

-Waxaa si ku-talagal ah looga hortagay shirkii dowlad goboleedyada iyo dowlada fedaraalka kaas uu dhawaan ku baaqay Farmaajo, si loo baajina waxaa la qaaday talaaboyin sii kala fogaynaya labada dhinac.

Isku soo wada duub Waxaa la taabo geliyay Riyadii Farmaajo ee ahayd in uu dalku ku noqdo xaalad dagaal sokeeye ah, isla markaana lugu kala tago Nidaamka Dowladeed, waxaase nasiib xumo ah in Baarlamaanka ku caawiyay Farmaajo in uu dalka galiyo xaalad cusub oo cabsi leh.

44510cookie-checkXaalada Amni/Siyaasad Ee Dalka Oo Laga Deyriyay