Maxaa Ka Soo Baxay Shirkii Jabuuti

Somalia news

Maxaa ka soo kordhay Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee Ka dhacay Magaalada Jabuuti, Iyadoo ay goobjoogayaal ka ahaayeen Dalalka USA, EU iyo AU…

Ilo wareedyo ku dhow dhow wada hadalada Somalia iyo Somaliland ee ka furmay Jabuuti ayaa xaqiijiyay in shirka uu fashil ku yimid, kadib markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu diiday in laga hadlo arrin la xiriirta Midnimada Somalia oo ka mid ahaa ajandayaasha shirka, sidaas darteed uu dalbaday in loo wada hadlo si siman oo heer labo dowladood ah.

Khudbadii furitaanka Muuse Biixi ayaa ku jirtay in aanu marna diyaar u aheyn inay dib ula midoobaan Somalia, Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa sheegay inuu Jabuuti u yimid isla garashada Midnimada Somalia.

Sidoo kale ilo wareedyo ku dhow dhow Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia iyo Safiirka Mareykanka Yamamoto ayaa sheegaya inay ka xumaadeen in Madaxweynaha Somaliland aanu diyaar u aheyn tanaasul.

Waxaa hadda socota diyaarinta war murtiyeed laga soo saaro shirka, kaasoo lagu caddeynayo in dib soo bilaabashada wada hadalada ay tahay guul weyn, sidoo kalena Guddi Farsamo loo saari doono sii wadida wada hadalada

41810cookie-checkMaxaa Ka Soo Baxay Shirkii Jabuuti