Xiisadaha Siyaasadeed ee katagaan Galmudug & Jubbaland..

Uncategorized

Khilaaf Siyaasadeed ee salka kuhaya Natiijada doorashooyinkii Agosto-2019 & Feb-2020 ka kala dhacay Kismaayo iyo Dhuusa mareeb ayaa ka taagan labadaas dowlad-goboleed, waxeyna Xiisadahaan saameyn ku yeesheen Xiriirka wada shaqeyneyd ee Maamulka Villa Somalia iyo Dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug.

Iyadoo uu xiriirkaasi gaaray meeshii ugu hooseysay, waxaana laga cabsi qabaa iney dagaalo daba dheeraada ay ka dhacaan Degmooyinka Kismaayo,Dhuusa mareeb, B/Xaawo iyo Ceelwaaq, iyadoo laga soo sheegaayo abaabulo iska soo horjeeda oo dhonacyadaan wadaan.

Maamulka Degmada Dhuusa mareeb ayaa diiday iney la shaqeeyaan kan Villa Somalia ay keensatay, waxaana weli ka tasgan is-mari waa horseedi kara inuu gacan ka hadal ka bilaawdo degmada, Odayaasha degaanka oo Dhaqaale laga soo siiyay Madaxtooyada ayaa wada dadaalo dhinac u badan.

Dhanka kale,Magaalada Kismaayo ayaa laga soo sheegaya abaabulo ay qeyb ka yihiin Saraakiisha Mareykanka kuwa Amisom (Ethiopia) oo hub iyo Dhaqaale ku taageeraya sidii loo dumin lahaa Maamulka ka dhisan Jubbaland.

Haddaba Xasaradda Siyaasadeed ee dul hoganaaya Degaanada Galmudug & Jubbaland suuragal ma tahay in ay sababto burbur ku yimaada Nidaamka curdanka ah ee Somalia dhibka loogu dhisay.?

16640cookie-checkXiisadaha Siyaasadeed ee katagaan Galmudug & Jubbaland..