Kenya Oo Laga Taageeraayo…

Uncategorized

Dowlada Kenya ayaa la sheegay In Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amaanka iyo kuwa Sirdoonka ay u dirtay tababaro aqoon kororsi ah, kuwaasoo la sheegay iney casharo la xiriira ladagaalanka kooxaha argagixisada, Baarista, Xoguruurinta iyo Macluumaadka.

Saraakiishaan oo tiradoodu lagu sheegay 42-xubnood oo ka kala tirsan Qeybaha Ciidamada, Boliiska iyo Sirdoonka, wuxuuna tababrkaan socon doonaa 12-todobaad, kuwaasoo ku qaadan doona duruusta Akadeemiyada Hey’adda Baarista Dembiyada ee Mareykanka (FBI).

Talaabadaan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee Dowlada Kenya ugu dirto dalka Mareykanka, Iyadoo Maamulka Nairobi uu muddo 10-sano ah la tacaalaayo xakameynta khataraha kooxda Shabaabka.

iyadoo xiliyadii ugu dambeeyay Kooxdaan aad sare u qaadeen weerarada ay ka geysanayaan Gudaha Kenya, kuwaasoo khasaare isugu jira naf iyo maalba u geystay.

16680cookie-checkKenya Oo Laga Taageeraayo…