Cabsi Xoogan Oo Dhanka Amaanka Oo Soo Food Saartay Ergooyinka Xulshada Dadban

Uncategorized

Warbixino hordhac ah ayaa muujinaaya in qaar ka mid ah Ergooyinka loo xil saaray soo xulista Musharixiinta ayaa Wel wel xoogan oo dhanka amniga ah ayey wajahayaan ergada ka qeyb galeysa doorashooyinka dalka, iyagoo si joogto ula kulmaya hanjabaado kaga imaanaya dhinacyo kala duwan…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Ergada ka qeyb galeysa xulashada Xildhibaanada ayaa la kulmaya fariimo cabsi xambaarsan, kuwaasoo uga imaanaya, kooxaha argagixisada ah iyo Villa Somalia, Ergadaan oo isugu jirta rag iyo dumar, ayaa si isku mid ah u sheegaya caqabada amni ee ay dhaxleen, kadib go’aankoodii ku aadanaa, ka qeyb ahaanshaha doorashooyinka dalka ka socda.

Wararka ayaa sheegay in Ergada oo qaarkood afka duubtay, sababo amni awgood, ayaa tilmaamaya, in xogohooda ay heleen, kooxaha Al Shabaab, Daacish iyo NISA ay soo gaarsiiyeen fariimo loogu sheegayo in nafta la dhaafin doono, Ergada doorashoyinka ka qeyb galeysa badankood ayaa ah, kuwa daruuf dhaqaale ay ku xanbaartay ka qeyb qaadashada doorashada, haddase waa kuwa amnigooda uusan sugneyn, oo uu hareeyey shaki iyo wel wel badan.

Kooxaha Argagixisada ayaa hore wacad ugu maray, iney carqaladeyn doonaan arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo xusay iney ugaarsan doonaan ergada ka qeyb galeysa doorashooyinka, taasoo ah dhibaato hor leh, maaddaama dowladdu aysan damaanad qaadi karin, amniga dadka doorashada kaalinta ku leh, waxaana la xaqiijiyay in tiro ergo la dilay.

166200cookie-checkCabsi Xoogan Oo Dhanka Amaanka Oo Soo Food Saartay Ergooyinka Xulshada Dadban