Xiisado Colaadeed Oo Ka Taagan Tuulada Dhegtur

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa shaqaaqo dhimasho dhalisay Oo u dhaxeeya Maleeshiyaad kala Taageersan Degaanada Bandiiradley iyo Docoley, waxaana la sheegay in 2-Qof ay ku dhimatay Xalay & Saaka…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Xiisadani ayaa xoolo dhaqato ka soo kala jeeda labada Beel (Sacad & Saleebaan), iyadoo la sheegay inuu Dilka Hore xalay dhacay, iyadoo Saakay mid aarsi u muuqda uu isna ka dhacay Tuulada Dhegtur.

Wararka ayaa sheegaya in Xiisado xoogan uu Degaanada kor ku xusan Saakay laga dareemay, iyadoo aysan jirin Talaabo lagu xakameynaayo Xiisadani aysan qaadan Maamulka Qorqor iyo Odayaasha degaanka oo weli ku mashquulsan Dagaalkii Guricel.

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa deegaanada Galmudug ku soo badanayey dagaallada, waxayna salka ku hayaan aano qabiil oo ka taagan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

149010cookie-checkXiisado Colaadeed Oo Ka Taagan Tuulada Dhegtur