Xiisado Ka Taagan Xarunta Wasaarada Gashandhigga

Politics

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo helnay Dadka degen xeen-daabka Xarunta Wasaarada Gaashandhiggs ayaa in Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xarunta ay ku amreen dadka degan xaafadaha ku dhaw dhaw Wasaarada Gasahaandhiga in ay si deg deg ah isaga guuraan….

Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay in Dadka degaanka ayaa sheegeen in Sarkaal iyo Dabley hubeysan ay ku amreen inay ka guurana dhabarka dambe ee wasaarada Gaashaandhiga ilaa 500 mitir, hadii kale si qasab ah meesha looga rari doono.

Odayaal degaanka oo isku dayay inay arintan xal ka gaaraan ayaa ku guuldareystay in xal laga gaaro amarna kasoo baxay milatariga, waxa ayna sheegeen in saraakiisha milatariga ula hadleen si jees jees iyo awood sheegasho ah.

Xarunta Wasaarada Gashandhigga ee Dowlada Federaalka ayaa la sheegay in Xiliyadii ugu dambeeyay uu degaan KMG ah ka dhigtay Mr.Farmaajo, wuxuuna ka waday Abaabulo Maleeshiyaad iyo Hub uruursi, Iyadoo muddo xileedkiisu ay ka harsan tahay 7-bilood.

Dadka deegaanka ayaa wada abaabulka banaan baxyo ay uga soo horjeedaan amarkan dadka looga saarayo guryahooda, waxa ayna sheegeen dadka deegaaka in saraakiil hunguri doon ah ay doonayaan in dadka barakiciyaan.

37220cookie-checkXiisado Ka Taagan Xarunta Wasaarada Gashandhigga