Fashilka Siyaasadeed Ee Yamaamoto Miyuusan Cashar Ku Qaadan

Politics

Waxaa marqaati ma doonto ah in Danjire Yukio Yamamoto (Donald), uu yahay maskasda ka dambeysa in degenaasho iyo Dowladnimo waarta aysan ka hirgelin Somalia, Danjirahaan ayaa ahaa Maskaxdii ka dambeysay in Ciidamada Ethiopia la soo geliyo Somalia 2006-dii isla markaasna xasuuq u geystaan Shacbiga Soomaaliyeed…

Inkastoo ay dhici karto in Shacbiga Soomaaliyeed badankood aysan ku baraarugsanayn in xad-gudubyadaas iyo daandaansiga daaha gadaashiisa uu ka hagaayo Danjire Yamamota, wuxuuna 3-sano ee ugu dambeysay cabad ku ahaa dadaalada Wakiilada Beesha Caalamkaee xakameynta Xukuumada Fashilka ah ee Madaxweyne Farmaajo, kaasoo ku dhiiraday inuu xasuuq ka geysto magaalada Beydhabo, wuxuu taageeray Maamulada lagu dhisay Musuqmaasuq iyo laaluushka ee Konfur galbeed iyo Galmudug, Maamulka Farmaajo oo muddo ku taamayay inuu Burburiyo Maamulada dhisan ee Jubbaland iyo Puntland isagoo taageero siyaasadeed ka helaayay Mr.Yamamato.

Fara-geinta Dacwada Badda

Mr.Kyle McCarter safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi maxaa ku qasbay inuu u ololeeyo isla markaasna uu garab istaagay Kenya boobka badda Somaliya.

Yaa ku qasbay in Farmaajo iyo Kenyatta labadooda keliya qol aan cidna ku wehlin wax ku soo saxiixdaan, maxaas la isku afgartay? in markii 3-aaddib loo dhigo Dacwadayaa ka dambeeyay.

Dowlada USA Danjirayaashooda Nairobi iyo Muqdisho Yukio Yamamoto iyo Kyle McCarter, waxaa ka go’an iney Somalia ku cadaadiyaan iney xeer jajab lagu dhameeyo isla markaasna Badda Somalia qeyb laga siiyo Kenya, iyadoo Shiradaha Shidaalka Mareykanka ay qandaraasyada qaadan doonaan.

Danjire Yamamoto oo ku fashilmay inuu Damaciisa ka hirgeliyo Somalia Oo uu hoos geeyo Maamulka Oromada ee Addis Abeba, ayaa hadda ku guda jira qorshiisiisa labaad (Plan-B), Oo ah in muddo korosi sanad ama laba loogu kirdhiyo Maamulka Fadhiidka ee Farmaajo, waxaana laga digay in Qorshahaasi uu horseedi doono dagaal lagu hoobto.

Shacbiga Soomaaiyeed

SHacabka Soomaaliyeed ma jirto cadaawad ay u qabaan Dadka iyo dalka Maraykanka, waxayna aad u fahamsanyihin guud ahaan siyaasadaha ka socda gobolka, laakiin kuma faraxsanna qamaarka siyaasadeed uu ciyaarayo Danjire Yamamoto mana dhici doonto in ummadda Soomaaliyeed shacab iyo dowlad iyagoo isku duuban inay dulinimo qaataan, waxayna so dhoweyniyaan wax kasta oo xiriir ama heshiis ah oo aan meel ka dhac ku ahayn jiritaanka qaranimadooda dal ahaan iyo ummad ahaanba…

37180cookie-checkFashilka Siyaasadeed Ee Yamaamoto Miyuusan Cashar Ku Qaadan