Ma Dhabaa in Ardaydii Dugsiyada Sare ee Puntland Loo diiday Shahaadadii…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayas tilmaamaya in Ardaydii dhameysatay Sanad Dugsiyeedka ee Dugsiyada Sare ee Puntland ee sanadkaan ay Wasaarada Waxbsrashada Dowladda Faderaalka u diiday in ay siiso Shahaadada cadeynta si ay jaamacado waxbarasho u aadaan, waxayna sabab uga dhigtay in aysan galin imtixaanka Heer Federaal…

Wararka ayas sheehgaya in Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa caddrysay in dhinaceeda Wasaaradda Waxbarashada Faderaalka la wadaagtay dhammaan xogta Ardayda, sida ay sheegtay, sidii horeyba dhinacyadu ugu heshiiyeen, laakiin talaabada cusub ayaa muujinaysa khilaafka gaamuray ee Siyaasiyiintu saameyn ku yeelatay.

Howlwadeeno ka tirsan Wasaarada Waxbsrashada Federaalka ayaa u sheegay, in Puntland ay diiday raacida nidaamka daadajinta waxbarashada, sidaas oo kale Sannad dugsiyeedka dhamaaday aysan wali Natiijadiisa Xog-keydiyaha ku shubin.

283460cookie-checkMa Dhabaa in Ardaydii Dugsiyada Sare ee Puntland Loo diiday Shahaadadii…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com