Share the post "Xisbiyada Siyaasada Puntland oo Shuruudo ku xiray ka Qeyb-galka Doorashada"
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan wada tashi ah oo muddo 3-maalmood ah u socday Ururada siyaasadda Puntland waxeyna soo saareen war-murtiyeed ka soo saaray shirkaasi ka kooban 13-qodob oo ay shuruud uga dhigeen ka qeyb galkooda Doorashada ka hor in la fuliyo..
Ururada siyaasadda Mideeye, Mustaqbal, Horseed, Runcad, Sincad, Ifiye iyo Dhalinyarada ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qaybgalka doorashada goleyaasha deegaanka ee la filayo in ay dhacdo horraanta sanadka soo socda ee 2023, baaqan ayaa u muuqda mid dabraaya Rajada iyo damaca Deni oo lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay in degaanka uu ka hirgeliyo doorasho qof iyo Cod.
Wakhti badan ayaa la geliyay sidii uu isbedel u sameyn lahaa (Deni), Bulshada u dhageysan lahaa tabashadooda, isbaheysiga la dhisto Xisbiyada, ayaan darro wuxuu ku mashquulay safaro u gaar ah iyo muddo kororsi aan soconeynin, haatanse waxaa muuqata ifafaalo ah in gacantiisa laga bixiyay Hogaamintii Siyaasada Dimuqaradiyada.

