Xogta Shirka Ay Beesha Caalamka Diyaarineyso & Caqabadaha Ku Gedaaman

Somalia news

Kadib markii Uu Fashilmay 3-kulan uu ku baaaay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, isla markaasna su’aalaad laga keenay doorkiisa Hogaamineed, ayaa Waxaa soo shaac baxay in Wakiilada Beesha Caalamka ay daaha gadaashiisa ka qabanqaabinayaan shir lagu wado inuu ka furmo Teendhada Afisioni, loogana hadlo Khilaafka Doorashada….

Shirkaan ayaa lagu wadaa in dhamaadka todobaadkaan (Sabtida) ama bilowga todobaadka soo socda ku yeeshaan Xerada Afisioni, waxaana ku kulmaaya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyadoo Ergo ka socota Midowga Musharixiinta ay goob joog ka noqon doonaan Kulankaasi.

Ilo wareedyo Ayaa u sheegay Warsidaha Diinah.com news in Wakiilada Beesha Caalamka uu doorkoodu uu noqon doono mid u kala dab qaada, Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, sidoo kale Farmaajo ayaa cukeys lagu saaray inuusan iclaamin qabashada shirka, si looga fogaado inuu shirku fashil ku dhamaado.

Prof.Kabire oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa sheegay “in Doorka Beesha Caalamka Waa mid balaaran, waxeyna agaasimeysaa shirka oo dhan, sidoo kale waxey balanqaadeen in wixii lagu heshiiyo fulinteeda, inkastoo Midowga Musharixiinta ay saluug badan ka qabaan in shirkaasi miro dhal noqdo, waxeyna ku eedeeyeen Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday inuusan marnaba daacad ka aheyn inuu dhaqan geliyo heshiis kasta oo laga gaaro Hanaanka Doorashada.

100280cookie-checkXogta Shirka Ay Beesha Caalamka Diyaarineyso & Caqabadaha Ku Gedaaman