Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Afisioni

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Shirka u dhaxeeya DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasoo la filayaa in dhamaadka todobaadkan uu ka dhaco Teendhada Mareykanka Ee Magaalada Muqdisho, iyadoo shirkaas ay fududeynayaan Safaaradda Mareykanka iyo Xafiiska Qaramada Midoobey….

Shirkaan ayaa waxaana loogu xushay Teendhada Safaarada Mareykanka inuu ka dhaco, iyadoo ah goob ammaankeeda lagu kalsoonaan karo, waxaana amniga sugaaya Ciidamada AMISOM, iyadoo ay ka mid aheyd shuruudihii Puntland iyo Jubbaland ku xireen ka qeyb galkooda shirka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa Muqdisho imaanaya labada maalin ugu soo horeysa berri iyo berri dambe. Waxaa deegaan looga diyaariyay xeyndaabka Garoonka diyaaradaha ee ay ilaaliyaan Ciidanka AMISOM.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed oo safar ugu maqan Turkiga ayaa iyagana kama dambeys Arbacada la filayaa inay Muqdisho ku soo laabtaan.

Shirka iyo Shuruudaha ku xeeran:-

Mr.Farmaajo oo muddo xileedkiisa dhammaaday ayaa ku fashilmay saddex jeer oo shir isugu yeeray dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, martiqaadkaas oo ahaa kaddib 8 February waxay dhaliyeen su’aallo ku aadan awooddiisa hoggaamin, maadaama muddo xileedkiisa Dastuuriga uu dhammaaday, iyadoo ay shuruud ku xireen shirka inay ka soo qeyb galaan Madaxdweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in shirka uu kaliya noqdo Xaflad saxiix ah qodobadii xalka looga gaaray ee Shirkii Guddiga Farsamada Baydhabo.

Hase ahaatee Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa saddex qodob shuruud ah soo bandhigay sida in Madaxweyne Farmaajo saxiixo 1- Warqada xil gaarsiinta (Caretaker), 2- In wixii sharciyad ee la ansixiyay kaddib 27 December laga laabto 3- Amniga Doorashooyinka laga hadlo kaddib wixii dhacay 19 February.

100220cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Shirka Afisioni