Boliiska Garoowe Oo Amaro Safarka La Xiriira Soo Saaray

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Sarkaal ka tirsan Ciidanka Boliiska Puntland oo saxaafadda kula hadlay Garoowe, uu sheegay in hadda kadib qof kasta oo ka safraya magaalada Garoowe laga doonayo in uu damiin keensado, si loogu fasaxo Safarkiisa….

Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Cali, islamarkaana ku magacaaban Taliyaha 3-da Bar kantarool ee laga soo galo Magaalada Garoowe, ayaa sidoo kale tilmaamay in qofka safraya laga rabo in uu caddeeyo ujeedka safarkiisa iyo halka uu tegi doono.

Axmed Maxamuud wuxu sidoo kale sheegay in Garoowe uu ka bilowday baaritaan ku saabsan xaqiijinta Amniga, sidaas darteedna dhammaan dadka magaalada ka baxaya iyo kuwa soo gelaya uu saamayn doono baaritaankaas.

Tallaabadan ayaa lagu xoojinayaa Ammaanka guud ee Magaalada Garoowe ayaa timid kadib markii ay Kooxaha argagixisada ay weerar ku qaadeen xabsiga Magaalada Boosaaso, iyadoo laga sii daayay 400-maxaabiis ah oo isugu jira rag iyo haween kuwaasoo intooda badan ku eedeysnaa iney ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada.

100310cookie-checkBoliiska Garoowe Oo Amaro Safarka La Xiriira Soo Saaray